Macnaha Luqadeed ee Soon
Ereyga Soon waa erey asal ahaan carabi ah, macnahiisuna waa hadal ka af-xirasho. Waxaana laga fahmi karaa oraahdii Alle (swt) uu ku lahaa Maryama Bintu Cimraan (cs):
فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنسِيًّا
[سورة مريم الآية ٢٦]
“Waxaad tiraahdaa waxaan Allaha Raxmaanka ku nadray (sharday) inaan hadalka ka soomo oo cidina lama hadlayo maanta.” [Suuradda Maryama, 26]
Haddii aan ka eegno macnaha xaqiiqada ay xanbaarsan tahay waa iyadoo laga af-xirto wax allaale wixii soonka afuriya/buriya ee ficil iyo oraahba ah