Qaybaha Soonka
Soonku wuxuu u qaybsamaa labo qaybood, kuwaasoo kala ah mid faral (waajib) ah iyo mid Sunno ah. Soonka waajibka ah ayaa wuxuu u sii qaybsamaa ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin:
- Soonka bisha Ramadaan
- Soonka kafaaro-gudka
- Soonka sharadka (nadarka).
Xikmadda Soonka:
Lama soo koobi ujeedooyinka iyo xikmadda Soonka ka danbeysa; waxaana ka mid ah in Illaah amarkiisa loo hogaansamo. In dadka ay dareemaan gaajada iyo darxumada, si ay u xasuustaan khaaliqooda abuuray, sidoo kale inuu ugu naxariisto fuqurada.
Ujeedooyinka Soonka waxaa ka mid ah, inuu Illaah dadka simo oo kan taliya iyo kan loo taliyo, maal qabeenka iyo kan saboolka ay si wadajir u dareemaan gaajada oo ay wada sooman yihiin. Soonku wuxuu dhaliyaa midnimo iyo sinnaan, is jeceyl iyo is kaashi, sidoo kale waa cibaado laga doonayo qof kastoo ka mid ah muslimiinta, isagoo markaana buuxinaya shuruudda Soonka.
Xukunka Soonka:
Soonku waa waajib sida laga fahmi karo kitaabka qur’aank ah iyo Sunnada Nebiga (scw). Ilaah wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
[سورة البقرة الآية ١٨٣]
“Dadkii Alle rumeeyayow waxaa la idinku waajibiyay inaad soontaan sidii dadkii idinka horeeyay loogu waajib yeelayba, waxaadna mudan tihiin inaad dhowrsataan.” {‘Surada Al-Bakharah 183}
Wuxuu kaloo Alle yiri:
شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُواْ الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ اللَّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
[سورة البقرة الآية ١٨٥]
“Bisha Ramadaan waa bishii la soo dejiyay qur’aanka, isagoo hanuun dadka u ah iyo caddeyn oo hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadilka) ah ee ruuxii jooga bisha soon ha soomo, ruuxiise buka ama musaafir ah waxaa dushiisa saaran maalmo kale soonkood, Ilaah wuxuu idinla doonayaa fudeyd ee idinlama doonayo culeys, waana inaad dhammeystirtaan tirada, waynaysaana Ilaah wuxuu idinka hanuuniyay, waxaadna mudantihiin inaad Ilaah ku shukrisaan.” {Surada Al-Bakharah 185}
Dhinaca Sunnada Nebiga (scw), waxaa jira axaadiis fara badan oo dhammaantood caddeynaya waajibinimada soonka, waxaana ka mid ah xaddiis Dhalxa Binu Cubeydillah uu yiri, waxaa Rasuulka (scw) weydiiyay nin, isagoo ku yiri: “Rasuulkii Alloow waxaad ii sheegtaa soonka uu Alle igu waajib yeelay?.” Rasuulka (scw) ayaa wuxuu ku yiri: “waa bisha Ramadaanka”. Wuxuu misna yiri: “ma soon aan bisha Ramadaanka ahayn oo la igu leeyahay ayaa jira?”. Wuxuu yiri: “Maya, aan ka ahayn kaad sunno ahaan u soonto”.
Haddaba, halkan waxaan ka fahamnay in soonku yahay waajib aan dood ka taagnayn waajibnimadiisa, dhinaca kalena waxay culumada Islaamka isku waafaqsanyihiin in qofkii si ula-kac-ahaan u diida waajibnimada soonka uu gaaloobayo. Soonku waxaa la waajibiyay maalin isniin ah, ayna tahay labada bisha Shacbaan sannadkii 2aad ee hijriga