Shuruudda Soonka
Soonku, wuxuu leeyahay shuruudo, oo haddii aanan lala imaanin uu burayo soonku, waxaana ka mid ah:
- “Islaamnimo” Qofka Soonka laga doonayo waa inuu Muslim yahay.
- “Miyir qab” Qofka waalan waajib kuma aha soonka.
- “Qaangaar” Ilmo caruur ah lagama doonayo soon
( hase ahaatee way fiican tahay haddii caruurta lagu tababaro soomidda markay yar yihiin). - “Awoodid” Soonku waxaa loo banneeyay inay afuraan ciddii aan awood u lahayn oo ay haysato dhibaato caafimaad iyo arrimo kaleba. Dadkaasi aan awoodi karin waxaa loo qaybiyaa ilaa saddex qaybood oo kala ah sida:
- Kuwo loo banneeyay inay afuraan, hase ahaatee laga rabo inay quudiyaan miskiin.
- Qaar sidoo kale iyagana loo banneeyay inay afuraan, ka dibna ay soonka qalleeyaan (gudaan), laakiinse aan quudinayn cidna.
- Iyo ugu danbeyntii kuwo ay waajib ku tahay inay afuraan, dabadeedna ay soonka gudaan.
Qaybta hore waa dadka da’da ah oo aan awoodda u lahayn inay soomaan, kuwaasi waajib kuma aha inay soomaan oo waxaa loo fasaxay inay afuraan, laakiin waxaa laga doonayaa inay quudiyaan miskiin (qof baahan) maalin kasta oo Ramadaanka ka mid ah.
وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ
[سورة البقرة الآية ١٨٤]
“Kuwii Soonku dhibiyay waxay bixin quudin miskiin.” {Suuradda Al-baqara 184}
Sidoo kale waxaa qabytan soo hoos galaya qofka xanuunsan ee aan rajada laga qabin inuu bogsado. Waxaa kaloo ku jira hooyada uurka leh iyo tan ilmaha nuujinaysa, waa haddii ay ula baqdo nafteeda iyo tan cunuga inay quudaantaasi la timaaddo oo ay afurto.
Qaybta labaad oo ah kuwa loo baneeyay inay afuraan, isla markaana markii ay awood u helaanna soonkii soo gudaan oo qalleeyaan, waxaa ka mid ah qofka xanuunsan ee rajeynaya inuu bogsoodo, qofka safarka ku jiro ee aan deganayn.
Illaah kor ahaayee wuxuu yiri:
فَمَن كَانَ مِنكُم مَّرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ
[سورة البقرة الآية ١٨٤]
“Qofkii idinka mid ahi oo xanuunsan, ama safar ku jira waxaa korkiisa ah inuu soomo maalmo soonkood.”{Suuradda Al-baqara}
Qaybta ugu danbeysa ee ay waajib ku tahay inay afuraan, isla markaana ay soonka dib u gudaan waa:- Haweeney inta ay ku jirta wakhtiga caadada iyo kan dhalmada, waa Xaaraan in ay xilligaas soonto, waxaana laga doonayaa in ay soonto marka ay daahirto