Sunnooyinka Soonka
Soonku wuxuu leeyahay sunnooyin fara badan oo ay habboon tahay in lala yimaado. Waxaa ka mid ah sunnada Soonka in la de-dejiyo afurka, isla markaana la dib dhigo Suxuurta. Rasuulka (scw) wuxuu yiri “Dadka kheyr kama suulaan inta ay dedejinayaan afurka, ayna dib u dhigayaan Suxuurta”. Waxaa kaloo ka mid ah sunnooyinka Soonka in marka la afurayo lagu billaabo xabbado timir ah, Rasuulkuna (scw) sidaa ayuu sameyn jiray.
Waxaa kaloo ka mid ah Sunnooyinka Soonka, in la duceysto kolka la afurayo, waana wakhtiyada ay u badan tahay in la aqbalo ducada. In la sameeyo cibaado badan sida Salaadaha sunnada, bixinta sadaqada iwm. Bisha Soon wuxuu Illaahay dhexdeeda yeelay denbi dhaaf uu u denbi dhaafo addoomadiisa u hogaansama isaga, xoreynta Naarta iyo Naxariis uu naxariisto. Waxaa ku jira habeennada Ramadaanka, habeen ka kheyr badan 1000 billood, waana habeenka Leylatul-qadri.
Sunnooyinka Soonka waxaa ka mid ah in habeenka Ramadaanka la badiyo ducooyinka iyo akhriska qur’aanka. Waxaa kaloo ka mid ah in masaajidyada lagu ictikaafo (negaado) maalmaha Ramadaanka, gaar ahaan tobanka ugu danbeeya bisha Ramadaan. Culumadu waxay sheegaan in habeenka laytalu-qadriga ku jiro tobanka ugu danbeeya Ramadaanka.