Tiirarka Soonka
Soonku wuxuu leeyahay labo tiirar oo asaas u ah Soonka, kuwaasoo loo baahan yahay inuu qofka soomani la yimaado, waxayna kala yihiin:-
1) Af-xirasho laga af-xirto cabidda iyo cuntada laga bilaabo goorta ay qoraxda soo baxdo ilaa ay ka dhacdo.
وَكُلُواْ وَاشْرَبُواْ حَتَّى يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الأَبْيَضُ مِنَ الْخَيْطِ الأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ
[سورة البقرة الآية ١٨٧]
“Cuna oo cabba intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madoow.”{Suuradda Al-baqara aayadda 187}
Tiirka labaad waa niyadda, camal kastana waxaa shardi u ah niyad (ikhlaas) oo lama aqbalayo camalka hadduusan niyad wadan. Aayada ku jira Suuradda Al-bayyina iyo Suuradda Al-xaj ayaa qeexaya arrinkan. Sidoo kale, wuxuu Rasuulka (scw) xaddiis ku yiri ” Camal kasta waxaa saldhig u ah niyad, qof kastaana wuxuu leeyahay wixii uu niyooday”.
Qofka soomani waxaa laga doonaya inuu niyeysto soonka, ka hor inta ayan qoraxda soo bixin maalin kasta. Waxaa kaloo la yiraahdaa, waxaa qofka ku filan niyadda uu niyeysanayo maalinta ugu horeysa ee uu niyoonayo soomidda bisha soon oo dhan. Xafsa hooyada Mu’miniinta waxay Rasuulka (scw) ka werisay inuu Rasuulka (scw) yiri:
“Qofkaan kulmin niyadda (niyadda iyo go’aanka ah in la soomo) ka hor fajarka uma sugaanin oo ma laha soon”.