Waxyaallaha
Buriya Soonka
Waxaa loo qaybiyaa waxyaabaha soonka buriya ilaa labo qaybood:
Qaybta koowaad: oo ah in si ula kac ah loo cuno cunto ama loo cabo cabitaan; sidoo kale is matajin ula kac ah, caadada ama dhiiga dhalmada, ruuxa sooman oo niyeysta inuu afuro. Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha buriya soonka qofka oo gacantiisa isaga keena biyaha shahwada (siigada).
Qaybta labaad: ee buriya soonka, isla markaana waajibiya in la qalleeyo soonka, sidoo kalena waajibiya in lala yimaado kafaaro gud ayaa waxaa ka mid ah galmada labada is qabta ee maalinta Ramadaanka.
Kafaaro gudka halkan aan ku xusnay waxaa si tartiib leh u sheegtay aayad qur’aan ah sida qofka u galmooday xaaskiisa maalin soon ah, waa inuu xoreeyaa addoon (addoonsi wax la yiraahdo maanta ma jiraan, allahu aclam)), haddii uu awoodi waayo waa inuu soomo labo billood oo isku xiga, hadduu awoodi karin waa inuu quudiyaa lixdan masaakiin.
Qofkii xaaskiisa u gaalmooda labo jeer maalin ramadaan ah qofkaasi waxaa laga doonayaa hal jeer kafaaro-gudkeed, gabadhiina laguma leh kafaaro-gud (waa sida uu qabo Imaam Al-Shaafici). Qofka uma bannaana inuu u galmoodo xaaskiisa maalmaha Ramadaanka, hase ahaatee way u bannaan tahay galmada habeenka.