Imtixaan adag oo soo food saaray hogaamiyayaasha kaligoodtaliyayaasha ee Qaaradda Afrika (Tougher tests for long-serving autocrats).
0
June 03, 2019
Sannadkii tegay ee 2017-kii waxa uu u muuqday mid Imtixaan adag ku noqday ragii adkaaye Qaaradda Afrika Xukumaayey, tusaale ahaan, Bishii 1aad ee sannadii hore 2017-kii Madaxweynihii dalka Gambia mr Yahye Jammeh waxa uu iskaga degay Kursigii madaxweynimadda ee dalkiisa isaga oo mudo ku siman 22 sanno uu soo xukumaayey Gambia, halka Madaxweynihii dalka Angola mr José Eduardo dos Santos uu isaguna xukunka ka degay ka dib markii 38 sanno dalkaasi madaxweyne ka soo ahaa, laakiin warka ugu weyni waxa uu yahay ka dib markii ay Madaxweynihii dalka Zimbabwe mr Robert Mugabe ay xukunka ka tuureen Milatariga dalkiisu isaga oo aad u daweyn mudo sannado badana soo haystay xukunka dalkaasi, hadaba sheekooyinka kale ee aadka u xiisaha badan ee Afrika Indhaha lagu hayo ayaa ah, Madaxweynaha 73 Jirka ee dalka Uganda mr Museveni oo isagana wakhti aad u dheer oo uu dalkaasi soo xukumaayey dhaafay hada dadii dastuurka dalkiisu u ogolaa in uu madaxweyne ka noqda waxa uu ambiil ka qaatay xeerka xadaynta dhinaca dada ee Kursiga dalkiisa cida madaxweynaha ka noqonaysa oo uu hada doonaayo in uu leekaysiiyo inta noloshiisa ka hadhay si uu Kursiga u sii haysto, Madaxweynaha dalka Cameroon mr Paul Piya oo dadiisu isagana tahay hada 84 jir ayaa sido kale doonaya in uu doorashadda madaxtinimadda ee dalkiisa ka qabsoomi doonta mar kale u tartamo iyada oo Gobolka Luuqadda Ingiriisiga lagaga hadlo ee dalkiisu xata ay ka soo horjeestiin dawladdiis oo ay gooni goosad ku hanjabeen hadii uu talada ku soo noqdo.