Warbixintii Ugu Xiisaha Badneyd Ee Waddamadda Qaaradda Afrika Laga Diyaariyey Iyo 9 Isbedel Dhib Iyo Dheeftooda 2018-Kan Raad Ku Yeelan Doona Oo Qaaradda Ka Dhacay + Somaliland Oo Lagu Soo Daray
Guddaha Ka Akhri: Isbedeladda Sannadkii 2017-Kii Afrika Ka Dhacay, Hogaamiyayaashii Ugu Xukunka Dheera Oo Seeftu Qaaday, Afrika Xawaaraha Adeega Internet Loo Kordhinaayo, Lacagta Daynta Ee Qaaradda La Siiyo Oo La Jaraayo + Welwelka Kobocatiradda Dadyoowga Dalalka Afrika Oo La Saadaaliyey Ilaa 2050-Ka & Arimo Kale.
Qaaradda Afrika ayaa la sheegay inay sannadkii hada dhamaaday ee 2017-kii u ahayd sannad loo soo joogay Isbedel baaxad leh oo qaaradda ka dhacay, waxaana Isbedeladda dhacay ahaayeen kuwo ay ka mid ahaayeen Dhulka ahaaneed, Siyaasadda ahaaneed, Bulsho iyo Dhaqaale ahaaneed iyo xata kuwo dhinaca Internet-ka oo dalal afrika laga jaray leh, waxaana faaladdan sannadkii tegay Afrika laga diyaariyey lagu xusay in halka dhaqaalaha Caalamku koboc weyn oo cajiiba uu ku talaabsaday inay Afrika dhaqaale ahaan ahayd mid iska caadi oo halkiisii hore waxba iska bedelin oo wax horumar ah sameynin.
Warbixintan uu Wargeyska Saxansaxo ka soo xigtay Wakaaladda QuartzMedia waxa laga diyaariyey Isbedelka sannadkii tegay ee 2017-ku Qaaradda Afrika kaga tegay, ayaa lagu calaamadiyey 9 qodob oo waa weyni inay Afrika ka dhaceen sannadkii hore, balse sida faaladda lagu xusay raadadka Afrika ka dhacay sannadkii tegay ayaa la sheegay in aanay noqon doonin kuwo hadhay ee ay yihiin kuwo saameyntoodu sannadkan cusub ee 2018-ka ay sii muuqan doonaan, waxaana arimaha ugu culus ee warbixinta lagu dul istaagay lagu sheegay in Isbedelada Afrika sida togan u taabtay ee ka dhacay sannadkii 2017-da inay ka mid yihiin Ragii ugu awooda badnaa ee Afrika hogaaminaayey ee kaligood taliyayaasha ahaa oo qaarna xukunka si iskooda uga degeen kuwo kalena Xoog Inqilaab taladda looga tuuray, waxaana arimaha kale ee Xiisaha badan ee warbixinta lagu sheegay ka mid ah inay Afrika heli doonto adeeg Internet Xawaare sare leh isla markaan Riqiis ah sannadka cusub gudihiisa, iyada oo laga dayriyey dhinaca kale lacagta xad dhaafka ee Daynta Afrika la amaahiyo.