Fanaanada caanka ah ee hees qabsatay TikTok ku soo ammaantay gabdhaha Soomaalida
Fanaanada caanka ah ee Nicki Minaj ayaa dhawaan soo saartay hees baraha bulshada Soomaalida qabsatay gaar ahaan TikTok iyo X oo horay oo loo oran jiray Twitter. Heestan oo ka mid ahayd albamkeedii ugu dambeeyay oo soo baxay 8-dii bishan Deseember ayaa waxaa ka mid ahaa ereyo ay ku ammaaneyso gabdhaha Soomaalida taas ayaanaa keentay in gabdho badan oo Soomaali ah oo qurbo jog u badan inay isku soo duubaan heestaan.
Nicki Minaj waa fannaanad caan ku ah heesaha Raabka ama Hip-Hop-ka. Waxay soo shaacbaxday 2010-kii.
Ereyada heestaan raabka ayaa waxaa ka mid ah qeyb ay gabdhaha Soomaalida ay ku tilmaameyso inay qurux badan yihiin waana qeybta soo jiidatay hablaha ee sababtay inay ka daba-dhacaan. lookin' just like a dolly “lookin' just like a dolly With a pretty Somali”
Heestaan oo ay si weyn uga falceliyeen gabdhaha Soomaalida ayaa waxa laga dareemayay inay filan waa ku noqotay dhallinyarada inay fanaanaddan albamkeeda ku soo hadal qaado magaca " Somaali" ay amaan dul dhigto gabadhaha.