Halaagii Asxaabul Fiil
Dhinaca kale Abraha iyo colkii markii waagu u baryay ayuu colku is cabbeeyay oo isu diyaariyay inuu hujuum ballaaran ku qaado xaramka, hadaba markay marayeen waadiga Muxassar oo u dhexeeya Mina iyo Muzdalifa (goobaha xajka lagu guto) ayuu maroodigii waynaa fariistay oo diiday inuu hore ugu dhaqaaqo xagga Kacbada, markay u jeediyaan koonfurta, waqooyiga amase bariga waa boodayaa oo dhaqaaqayaa markayse u jeediyaan xagga Kacbada waa fariisanayaa.
Goor ay xaaladdaan ku sugan yihiin ayaa Alle usoo diray “korkooda shimbiro raxan raxan ah, oo ku tuuraya (ku rushaynaya) dhagaxyo dhoobo-naareed ah, markaasay ka dhigeen sidii bal la daaqay oo kale, (bal inta la jaray dhulka bilkaxan oo kale)” shimbiruhu waxay u ekaayeen dafooyinka iyo haadda baqalyada shimbir walbana wuxuu sitaa sadex dhagax, hal qowlalka uu ku sito iyo labo uu adimada ku sito oo u eeg iniinaha iltukaha.
Qofkii uu dhagaxaasi ku dhoco wuxuu u googo’ayaa xubin xubin isla markiina waa bakhtinayaa, hasayeeshee dhagaxu kuligood kuma wada dhicin sidaa darteed ciidankii waa yaaceen ayagoo sidii mawjadda badaha isugu tumanaya oo isu jiiraya markaasay gabi kasta ka daateen meelkastoo godanna ku bakhtiyeen, Abraha qof ahaan waxaa Alle usoo diray cudur xun oo xubnihii la daateen oo cadba mar go’ay oogadiina haragu ka diirmay wuxuu Sanca gaaray isagoo oogadoo dhan diiran tahay laabta ayaana dillaacday wadnaha agtiisa waana dhintay islamarkiiba. Run ahaantii waxay ahayd dhacdo wayn oo ah mucjizo layaab badan oo lagu isticmaalay awood ka baxsan qudrada aadanaha iyo waxa uu garan karo labada.

Surat Al-Fiil: (Ayadaha 1-5)
- Ma Ogtahay sida Eebba ku falay asxaabtii maroodiga ‘Colkii’.
- Miyaan Eebbe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay.
- Oosan ku dirin korkooda Shimbiro kooxa ah.
- Markaas Eebbe ka yeelay Bal la daaqay sidiis.
Dhacdadii ‘ciidankii maroodiga’ waxaa lagu qiyaasaa in ay dhacday bishii Muxarram, sida ku xusan Roman Calendar.
Qureysh dhinacooda markii hore waxay ku firdheen hawdadka iyo duurarka waxayna isku ilaaliyeen buuraha dhaladooda ayagoo ka baqanaya colku inuu cagta mariyo oo tirtiro, markii hadaba colkii ay ku habsadeen baladii ku habsatay ayey guryahooda ku soo laabteen ayagoo nabada qaba, dhacdadaanna waxaa Alle (subxaanah) kaga waramay suurada Al-fiil.
Dhacdadaani waxay ahady bisha muxaram konton maalmood ka hor dhalashada Nabiga (scw) ama shan iyo konton -waana sida taariikh-yahanada intooda badani qabaan- waxayna ku beegan tahay dhamaadka February amase bilowga March sanadka 571-da ciise dabadi, waxayna ahayd hordhacmo Alle horseed uga dhigay Nabiga (scw) iyo Kacbadaba.
Maxaa yeelay markaan fiirino beytal-maqdas waxaan arkaynaa in qibladaan Alle ku salladay oo gacanta u galiyay mushrikiin sanabo caabud ah ayadoo dadka haystaana ay muslimiin ahaayeen sidii uu sameeyay bukhtanasar hogaamiyihii baabiliyiinta sanadkii 587-dii ciise horti, sidoo kale Roomanka sanadkii 70-kii ciise dabadi, laakiinse Kacbada Nasaaradu ma qabsan ayagoo markaas muslimiinta jira ahaa, ayagoo dadka Kacbada haystaana yihiin mushrikiin Sanabo-caabud ah.
Waxay dhacdadaani kusoo beegantay marxalad hadalhaynteedu gaarayso dunida horumartay ee markaa jirtay inteeda badan, sababtoo ah Xabashidu waxay hoos imaanayeen embiraadooriyada wayn ee Room oo ay Orthodex isla yihiin xariir wayna ka dhexeeyo, Furus-na (Persia) waxay loollan kula jireen Roomaaniyiinta iyo gaashaanbuurtooda oo gaadayeen waxwalba oo ku dhaca sidaa darteed islamarkiiba Yaman ayagaa qabsaday dhacdadaan kadib, labadaan dawladoodna ayagaa matalayay caalamka horumaray markaas.
Dhacdadaani waxay soo jeedisay indhaha caalamkoo dhan oo tusisay burhaanta Kacbadaani leedahay iyo sharafteeda, iyo inuu yahay meel Alle doortay oo barakaysan, waxay tafsiir u ahayd xigmadda qarsoon ee ku jirta in Alle u gargaaray gaalo sanabo caabud ah dadkii iimaanka lahaana la halaagay si waliba ka baxsan caalamka asbaabaha ee la garan karo, sidaa darteed hadduu qof xaramkaan u dhashayi nabinimo sheegto waxay ahayd wax la rumaysan karo dhacdadaan awgeed.
Cabdulmudalib wuxuu dhalay toban wiil oo kala ah:
- Xaarith,
- Zubayr,
- Abu-dalib,
- Cabdulaahi,
- Xamza,
- Abu-lahab,
- Ghiidaaq,
- Maquum,
- Safaar
- Cabaas
Waxaa kaloo la yiri kow iyo toban ayadoo lagu daray Qutham, waxaa kaloo la yiri sadex iyo toban ayadoo lagu daray Cabdilkacba iyo Xajlan, gabdhahana lix kala ah Umulxakam, (baydaa) Barrah, Caatikah, Safiyah, Arwa iyo Umayma.
-Cabdulaahi Aabaha Nabiga (scw)- Cabdulaahi hooyadii waxaa la yiraahdaa faadima Bint Camar Ibn Makhzuum, wuxuuna ahaa wiilasha Cabdulmudalib ninka ugu wanaagsan uguna dhawrsoon uuna ugu jecel yahay, waana ninka la gawracay, taasina waxay ku dhacday markay Cabdulmudalib wiilashiisu toban gaareen, oo uu hubsaday inay difaaci karaan wuxuu u sheegay nidarkii uu hore u galay inuu midkood shugri u gawracayo markaasay ka yeeleen.
Markaasuu magacooda ku qoray leebka qidaaxa (qoryo wax lagu qaybsado) oo u geeyay uqaybsanaha sanabka Hubal –si uu qoryaha u rido- qoryihii ayuu riday markaasay waxay ku dhacday Cabdulaahi, markaasuu Cabdulmudalib mindi afbadan soo qaatay iyo wiilkiisa Cabdulaahi oo Kacbada xageeda ulasoo dhaqaaqay si uu u gawroco, waxaa ku qabsaday oo u diiday Qureysh gaar ahaan abtiyaashii Banii-makhzuum iyo walaalkiis Abu-dalib oo ay isku hooyo yihiin, markaas ayuu Cabdulmudalib yiri maxaan hadaba nidarkaygii ka sameeyaa?
- Fiiri xadiith-ka caisha ee uusoo saaray abu-da’ud kituubu nikaax
- Waxaad ka garan kartaa qisada Sacad iyo Cabd Ibn zamca ay isku qabsan jireen wiilka oo nabigu wiilkii firaash raacsiiya sidoo kale ninbaa nabiga ku yiri wiilkaan wiilkaan anaa dhalay hooyadiis ayaan ka zinaystay.
- Tixaha gabayga waxaa turjumay Abdirizak Musanaf
- Fiiri tafsiirka Ibn kathiir suurada Al-fiil
(*) Harsha waa buur makko u dhow, waadiga waxaa loo yaqaan Makko.

Waxaa soo diyaariyey
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir