Kacbada
Markuu marayay magaalada Daa’if waxaa soo dhaweeyay dadkii daganaa ee Thaqiif ayagoo iska maslaxay cabsi ay ka qabaan inuu ka dumiyo sanab ay qadariyaan oo layiraahdo Laata, waxayna ku dareen nin dhulyaqaan ah oo loo yaqaan Aba-rughaal.
Colkaani waa sii gurguurtay ilaa uusoo gaaray Maghmas (duleedka Makko) halkaas ayuu dagay wuxuuna diray sahanno iyo colal yaryar oo dagaallo yaryar ku qaaday hareeraha Makko waxayna dheceen xoolihii dhulka ay mareen daaqayay oo dhan, marka waxaa xoolahaan ka mid ahaa geel labo boqol oo halaad ah oo Cabdulmudalib leeyahay.
Abraha marka wuxuu diray nin la yiraahdo Xannaadah Al-ximyari oo ergo ah uuna u diray reer Makko, wuxuuna ku amray inuu u keeno ninka reer Makko ugu sharaf iyo magac wayn, iyo inuu u sheego inuusan boqorka Abraha u imaan inuu la diriro haddaysan ayagu ka hor istaagin duminta Kacbada, marka ninkii markuu Makko yimid waxaa la tusiyay Cabdulmudalib Ibn Haashim markaas ayuu fariintii gaarsiiyay.
Cabdulmudalib-na wuxuu yiri la diriri mayno mana awoodno inaan la diriro, laakiinse gurigaan Kacbadu waa beytkii Alle iyo Nabigiisa Ibraahiim, hadduu Alle difaacana waa Kacbadiisii anagase wax awooda uma lihin aan ninkaan kaga hortagno.
Ergaygii markaas ayuu Cabdulmudalib usoo jeediyay inuu raaco, markay usoo galeen Abraha oo uu arkay Cabdulmudalib waa qadariyay oo kursigiisii kasoo dagay oo dhulka la fariistay, Cabdulmudalibna wuxuu ahaa nin muuqaal wayn oo haybad wayni ka muuqato, markaa Abraha wuxuu turjubaankii ku yiri waydii ninkaan maxaad iga doonaysaa oo iigu timid? Cabdulmudalib wuxuu ku jawaabay waxaan boqorka ka doonayaa inuu geelaygii uu iga dhacay ii celiyo.
Abraha wuxuu yiri u sheeg markii aan ku arkay waad ila waynaatay oo waan ku qadariyay, markaadse hadashay waad ila qaymo dhacday, ma waxaad igala hadlaysaa labo boqol oo halaad oo aan kaa dhacay oo aadan igala hadlayn guri ah diintaada iyo diintii aabayaashaa, anigoo u imid inaan dumiyo? Cabdulmudalib wuxuu ku jawaabay “anigu geelaan leeyahay Beyt-kuna wuxuu leeyahay Rabbi difaacan doona, Abraha wuxuu yiri marka iga hor istaagi maysid markaasuu yiri adigaa isyaqaan haddaad doonto dumi.
Marka Abraha geelii waa u celiyay Cabdulmudalib, waxaa kaloo lasocday Cabdulmudalib qaar kamida odayaasha Qureysheed marka waxay Abraha usoo bandhigeen inuu xoolohooda kala bar qaato oo uusan dumin Kacbada waana ka diiday. Cabdulmudalib markuu Makko kusoo laabtay ayuu Qureysh amray inay ka baxaan xaramka oo buuraha dhalooda iyo hawdadka ku cararaan si aan colku u baabi’in